Dhaqaatiirta Xudur oo la tacaalaya daaweynta cudurka Jadeecada oo laga helay 10 caruur ah

0
241

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay in 10 caruur ah oo uu soo ritay cudurka Jaceecada lagu daaweynayo cisbitaalka magaadaasi.

Madaxa caafimaadka isbitaalka gobolka  bakool Dr Ismaaciil Cabdiraxmaan jeyte ayaa sheegay in caruurtaan uu haleeley cudurka jadeecada,isla markaana ay u socoto howlo daawyn ah,isagoo intaa raaciyay in  deegaanada ay ka yimaadeen caruurtaasi la gaarsiin doono  tallaalka ka hortagga lixda cudur ee dilaaga ah.

Axmed Xasan Abuukar oo ah dhakhtar qaabilsan caruurta da’adooda ka yartahay 5-ta sano ayaa sheegay in xanuunada ugu badan ee ay daaweeyaan ay yihiin kuwo ku dhaca  caruurta .

Isbitaalka gobolka bakool waxa gacanta ku haysa wasaarada caafimaadka dowlad goboleedka koonfur galbeed oo kaashanaysa hay’ado ay ka mid tahay ACF,waxaana sanadihii u dambeeyay xil la iska saaray sidii loo ciribtiri lahaa cudurada galaafta nolosha caruurta