Xiddig ka tirsan Manchester United oo qorsheynaya inuu ku biiro kooxda Barcelona

0
234

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Wargeyka “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca in xiddig ka tirsan Manchester United uu doonayo inuu ka tago kooxda , inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo socda.

Van de Beek ayaa soo maray waqtiyo aad u adag tan iyo markii uu Manchester United kaga soo biiray kooxda Ajax, iyadoo uu nasiib u yeeshay in inta badan kulamadii ay ciyaartay Red Devils uu kursiga keydka fariisto, isla markaana ay aad u yareyd fursadihii uu ka helay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Wargeysku waxa uu warbixintiisa ku sheegay in Van de Beek uu doonayo inuu u dhaqaaqo Barcelona suuqa kala iibsiga jiilaalka ee soo socda, sababtaas darteed uu u badelay wakiilkiisa.

Donny van de Beek 'makes a come and get me plea to Barcelona to end  Manchester United spell' | Daily Mail Online

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan inay jiraan xiddigo badan oo reer Holland ah oo ka tirsan Barcelona, sida Memphis Depay, Frenkie de Jong iyo Luke de Jong, ay xiiseynayaan in Van de Beek uu u dhaqaaqo Camp Nou.

Dhanka kale, Barcelona ayaa dooneysa inay xoojiso safkeeda bartamaha xilli ciyaareedka iyadoo la eegayo heerka hoose ee kooxda, xiddiga Manchester United ayaana laga yaabaa inuu ka mid yahay xulashooyinka miiska u saaran madaxwene Juan Laporta.