Erdogan oo soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu dalkiisa sameystay

0
172

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Turkiga ayaa soo bandhigay diyaarad dagaal oo drone ah, taas oo qaadda hub, laguna sameeyay gudaha Dalkaas.Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay xoojinta awoodaha militari ee dalkiisa si ay isugu filnaadaan marka ay timaaddo howlgallada ciidan.

Wuxuu madaxweyne Erdogan yiri: “Waxaan heysanaa diyaaradda Akıncı UCAV, Turkiga wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heysta teknooloojiyaddan”.

Diyaaradda casriga ah ee duuliyaha uusan saarnayn, waxaa sameysay shirkadda Baykar oo soo saarta diyaaradaha Drones-ka oo lagu magacaabo ee Turkiga.

Diyaaraddan cusub ee casriga ah waa mid awood leh marka la barbardhigo noocii horey uu dalkaas u soo saaray ee Bayraktar TB2, waxaana ka iibsaday dalalka Poland iyo Ukraine.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay diyaaradda ayaa sheegay in arrintan ay muujineyso guulaha ay ka gaareen soo saarista hubka casriga ee hawada, isla markaana dunida inteeda kale ay ka warheyso.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay injineeradii iyo khuburradii soo saartay diyaaradda. Turkiga “wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heystay diyaaraddan casriga ah,” ayuu yiri. Madaxweyne Turkiga wuxuu sheegay in mabaadii’dooda ay tahay in ay soo saaraan teknoloojiyad kasta oo dan ugu jirto dhammaan aadanaha, “Haddii aan nahay Turkiga, mabaadii’deena waxaa ka mid in aan adeegsanno teknoloojiyadda sidii ay waxtar ugu noqon laheyd dhammaan aadanaha,” ayuu ka sheegay Erdogan, goobtii lagu soo bandhigay diyaaradda cusub.

“Turkiga la’aantiisa waxbo lagama qaban karo raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka iyo adduunka,” ayuu ku faanay madaxweynaha Turkiga, mar uu ka hadlayay munaasabadda xarigga looga jarayay diyaaraddan casriga ah ee hubeysan.