Miyey Kooxda Astona Villa soo aqbashay dalabkii qiimaha sare ee ay Manchester City ka gudbisay Jack Grealish?

0
183

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ayaa la rumeysan yahay inay dalab qiimo sare ka gudbisay Jimcihii shalay ciyaaryahanka xulka qaranka England ee ka tirsan kooxda Aston Villa.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Kooxda Tababare Dean Smith ayaa weli doonaysa inay sii haysato kubbad abuuraheeda sidoo kalena ay miiska u saaraan heshiis cusub oo mushaharka loogu kordhin doono.

Si kastaba ha noqotee, wararka aya sheegaya in Villa ay haatan isku diyaarisay inay aqbasho dalabka Man City ee ku kacaya 100 milyan oo gini, taasoo la micno ah in Grealish uu go’aansan doono inuu sii joogayo ama inuu u dhaqaaqayo Magaalada Manchester.

25-sano jirkaan ayaa dhaliyey todobo gool isagoo sidoo kale caawiyey 12 kale 27 kulan oo uu u saftay kooxda Villa intii lagu guda jiray fasal ciyaareedkii hore ee 2020/21, halka uu kulan u saftay xulka England tartankii Koobka qarammada Yurub ee Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here