Ole Gunnar Solskjær oo muujiyay dareenkiisa kaddib guushii weyneyd ay ka gaareen kooxda Roma

0
244

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay ka gaareen naadiga reer Talyaani ee AS Roma, kulankii xalay ka dhacay garoonka Old Trafford.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku xasuuqday kooxda AS Roma, kaddib markii ay kaga adkaatay 6-2, kulanka lugta hore wareega afar dhammaadka ee tartanka UEFA Europa League.

Ciyaarta kaddib Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa u sheegay warbaahinta:

“Wali ma dareemayo in howsha la dhameystiray, laakiin waxaan ku guuleysanay inaan qabano shaqo cajiib ah, si wanaagsan ayaan u qabanay, waana ognahay inay tayo leeyihiin.”

“Waxay dhaliyeen labo ka mid ah labadii fursadood ee aan siinnay, qeybtii labaad waxay ahayd mid aad u qurux badan.”

“Waan ognahay inaan heysano ciyaartoy hal abuur leh oo abuuri kara daqiiqado fiican, booska Paul Pogba aad ayuu u fiicnaa maanta, maadaama uu helay xoogaa xuriyad ah, farqiga jiray maanta ayaa ahaa inaan ka faa’iideysanay inta badan fursadaheena.”

Si kastaba ha ahaatee, Labada koox ayaa markale ku kulmi doona Khamiista soo socota garoonka Stadio Olimpico ee magaalada Roma, Arsenal ayaana u baahan inay ku guuleysato gool nadiif ah si ay uga gudubto finalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here