Dawladda Sacuudiga oo u diyaar garoowday Cumrada

0
205

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Qiyaastii 1,200 oo Hoteel oo ku yaalla magaalada Makka ayaa isu diyaarinaya soo dhaweeynta martida dooneysa in maalmo ka mid ah bisha barakaysan ee Ramadaan ay tagaan halkaas si ay usoo Cumreystaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qaranka ee Xajka & Cumrada iyo xubno ka tirsan Guddiga Hoteelada magaalada Makka ayaa warbaahinta u sheegay in ay diyaariyeen hanaan waafaqsan badqabka bulshada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddigan ayaa sheegay in ay diyaariyeen Hoteello, gaadiidka, maqaayado, iyo Shaqaale ka adeegaya Cumrada  inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxayna intaa ku dareen in ay u talo galeen ku dhowaad saddex bilyan oo Riyaal, 1,200 Hoteel oo ay kuyalaan 270,000 oo qol.

Guddoomiye  ku xigeenka Gudiga Qaranka ee Xajka iyo Cumrada ayaa Carrabka ku adkeeyay in Hoteeladan ay ka go’antahay inay hirgaliyaan shuruudaha caafimaadka iyo nadaafadda, iyaga oo adeegsanaya tallaabooyin taxaddar leh oo ku saabsan kala dheereynta dadka.