Maxay ahayd sababtii uu Isco xalay ku seegay kulankii kooxdiisa ay la ciyaartay Elche?

0
201

(Madrid) 31 Dis 2020. Waxaa haatan la ogaaday sababtii uu Isco xalay uu u seegay kulankii kooxdiisa ay barbaro la gashay Elche ee horyaalka La Liga.

Sababtu waxa ay ahayd inuu xiddigan khadka dhexe ee Isco uu soo dhoweynayay cunuggiisa dhashay ee dunida ku soo biiray.

Isco iyo Sara Salamo ayaa ku dhawaaqay dhalashada cunuggooda labaad ee Piero.

Labadaan lammaane ayaa cunuggoodii koowaad ee Theo uu dhashay sanadkii 2019-kii, labadaan waalid ayaana baraha bulshada ku xaqiijiyey inay heleen wiilkoodii labaad.

Isco ayaa seegay kulankii Real Madrid ay xalay barbaraha 1-1 la dhaafi weysay Kooxda Elche si uu u garab taagnaado dhiggiisa Sara Salamo.

Piero waa wiilkii saddexaad ee laacibkan khadka dhexe Isco, waxaana marka laga soo tago labadaan wiil ee ay u dhashay Sara Salamo uu horay u haystay wiil lix sano jir ah oo horay xiriir ugu dhalay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here