Liverpool oo ugu cad-cad In ay Barcelona & Real Madrid ku garaacdo saxiixa daafac jooga la Liga

0
170

Wararka ka imanaya Dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ugu cad-cadahay in ay Barcelona & Real Madrid ku garaacdo saxiixa xiddiga daafaca kooxda Sevilla ee Diego Carlos.

Tababare Jurgen Klopp ayaa bartilmaameed ka dhigtay xiddiga reer Brazil kaas oo uu doonayo in uu daafaca kooxdisa kula lamaanaysiiyo Virgil Van Dijk xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Liverpool ayaan ahayn kooxda kaliya ee doonaysa saxiixa xiddiga reer Brazil iyda oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Atletico Madrid, Real Madrid iyo Barcelona.

Laakiin wargayska estadiodeportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool tahay kooxda ku dhaw in ay ku guulaysato saxiixa daafaca Diego Carlos wakhtiga soo socda.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa heshiiskiisa kooxda Sevilla lagu bur-burin karaa lacag dhan 65 milyan oo euro.

Kooxaha reer Spain ayaa la sheegayaa in ayna haysan dhaqaale ay kula soo wareegaan xiddiga marka loo eego in ay leeyihiin bartilmaameedyo kale oo ay doonayaan.

Arintaas ayaa Liverpool ka caawinaysa in ay ku guulaystay saxiixa xiddiga uga dhigto mid ka mid ah saxiixyadeeda xilli ciyaareedka dambe.